shape
shape

Madal Casri ah oo Waxbarashada Soomaaliyeed U Horseedaysa Mustaqbalka

ARAADKAAB ACADEMY Waa Kuma?

Sanadihii ugu dambeeyey, dunidu waxay si weyn ugu wareegtay dhanka tiknoolojiyada iyo waxbarashada online-ka ah. Arrintan ayaa abuurtay baahi weyn oo loo qabo madal waxbarasho oo casri ah, fudud, isla markaana gaarta qof kasta oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo. Sidaas darteed ayaa loo aas-aasay GARAADKAAB ACADEMY.

GARAADKAAB ACADEMY waa madal E-Waxbarasho oo bixisa cilmiyada IT-ga iyo xirfadaha casriga ah ee maanta looga baahan yahay suuqa shaqada. Madashu waxay ardayda Soomaaliyeed siinaysaa fursad ay ku bartaan aqoon tayo leh iyaga oo jooga guryahooda ama goobtooda shaqo.

Madasha GARAADKAAB waxaa la aasaasay sanadkii 2022, waxaana si rasmi ah loo daahfuray 12-Aug-2022. Tan iyo maalintaas, waxay madashu si joogto ah ugu adeegaysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Maxaa Ka Dhigaya GARAADKAAB Mid Gaar Ah?

Waxa GARAADKAAB ka duwan madallada kale waa in ay si buuxda ula jaanqaadday baahida ardayga Soomaaliyeed. Ardaygu uma baahna inuu safar galo, waqti badan lumiyo, ama joogo meel gaar ah si uu wax u barto. Keliya wuxuu u baahan yahay internet iyo qalab yar si uu uga faa’iidaysto casharrada.

Madashu waxay sidoo kale diiradda saartaa in aqoonta la bixinayo aysan noqon mid kaliya aragti ah, balse ay noqoto mid la socda xirfad iyo tababar dhab ah. Sidaas darteed, ardayga marka uu dhammeeyo koorsada wuxuu awood u yeelanayaa inuu si toos ah uga faa’iidaysto xirfadda uu bartay.

Koorsoyinka Ugu Muhiimsan Ee GARAADKAAB Bixiso

GARAADKAAB ACADEMY waxay bixisaa koorsooyin kala duwan oo muhiim u ah qof kasta oo doonaya inuu horumariyo xirfaddiisa iyo mustaqbalkiisa. Qaar ka mid ah koorsooyinka ugu caansan waxaa ka mid ah:

  • Cryptocurrency
  • English Language
  • Social Media Management
  • Online Business
  • Computer Applications
  • Computer Unlock
  • Multimedia Courses
  • Digital Marketing
  • Web Designing
  • Graphic Design
  • Video Editing

Koorsiyadani waxay ardayga siinayaan fursad uu ku helo aqoon iyo xirfad si toos ah loogu isticmaali karo shaqo, ganacsi, ama horumar shaqsiyeed.

Leave A Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *