1- Beec Mahan! Koorsooyinka Kujira madasha Garaadkaab.comwaxaa leh milkiyadooda Garaadkaab.com, ardaygu wuxuu xaq uleeyahay oo kaliya daawashada muuqaalada koorsada uu ka diiwaan gashanyahay gudaha website ka Garaadkaab.com

2-La Dagis Waa ka Mamnuuc! Koorsooyinka Garaadkaab waa Dalbo oo Daawo Durbadiiba ama (Streaming Only) Loomana Ogola in ardaygu lasoo dago muuqaalada koorsada, waxa kaliya oo la ogolyahay in lala soo dago waa Course Materials sida Slides ama softwares ka lasocda koorsada si aad ugu shubato computerka, ama aad usoo daabacato Slides ama eBooks haduu lasocdo koorsada, sida badan koorsooyinka Garaadkaab.com waa practical ama iTUS oo mawataan buug qoraal ah.

3-Hal Arday, Hal Account! Waxaan kaloo ardayga ogaysiinaynaa in aanan la ogolayn in la wadaago hal account. Hadii account kaaga aad ka gasho meel kale logout ayaa lagugu samaynayaa hadii la ogaado ama looga shakiyo in account kaas la wadaagayo waa laga saarayaa madasha Garaadkaab.com dignin la’aan. Waxaa shuruudaha kamid ah in uu ardaygu yahay mid baranaya koorsooyinka uu ka diwaan gashanyahay. Hadii uusan ahayn ardaygu mid baranaya koorsooyinka uu gadiwaan gashanyahay waa ay kaxirmayaan.

4.-Garaadkaab waxaa wax ka baran kara arday diyaar u ah inuu wax barto oo naftiisa ka adag oo xakamaynkara

5– Ardaygii Laga dareemo inuusan waxbarasho diyaar u ahayn ama waqti galiwaaya cashirada ama laga dareemo fudayd, ama dagdag waa laga saarayaa Madasha lacag loo Celinaayana Majiridoonto.

6-Ardayga doonaya in cilad laga caawiyo waa Inuu Lasoo wadaagaa Support Teamka Si waqti gaar ah Loo balamiyo  , si loo Caawiyo

7- koorsooyinkeena Waa Muuqaalo Itus ooItaabsii ah Malahan Macalin Si Gaar ah Kuula Xisaabtamo ,Mana Ahan Macalin si fogaan arag ah wax kuubaraya ama fasal online ah  Waa Adiga iyo Dadnimadaada iyo dadaalkaaga iyo ka dhabaynta Ahdaaftaada Si Aad u gaarto Guul.

8- Adayga dhiganaya koorsooyinka ku jira Madasha Garaadkaab waa inuu raacaa talada macalinka oo koorsadiisu Uu qaadanaayo Si ay ugu Sahlanaato Wada Waxbarashadiisa.

9- Ardaygii Looga shakiyo Ama Ay ku Cadaato kuna cadaato inuusan raacaynin diyaarna U ahayn Inuu U hogaansamo xeerhoosaadka Madasha GARAADKAAB Si Shuruud la aana h Ayaa Loogu Saaridoonaa Guud ahaanba Madasha .

10 –Qiimaha koorsooyinka kujira Madasha Garaadkaab.comwaa is badali karaan xili walba, go’aan kaasna waa mid ugaar ah Maamulka GARAADKAAB.

11-Halmar IIBSO, Waligaana Daawo! Dhamaan koorsooyin kujira madasha Garaadkaab.com waa halmar IIBSO, waligaana daawo, balse Shuruud ayaa kuxiran oo ah hadii koorsda aad baranayso ay leedahay Mudo-xileed Sida 3-4 sano inta udhaxaysa ay ku jirto Madasha GARAADKAAB Ama Ay ku Timaado Cilad farsamo koorsadaasi Website ka Waa laga saari Doonaa Sidoo Kelene Ardaygii horey  U Iibsadeyna Way Ka bixi doontaa Hadii Lasoo Cusbooneysiiyana Dib Ayuu U iibsan doonaa Ardaygaasi koorsadaasi.

12-Koorso Badalis! Waxaa laguu badeli karaa koorso hadii aadan daawan 5 Cashar kabadan iyo mudada aad iibsatayna aysan dhaafin 3 maalin.

Xogtaada! Maamulka Garaadkaab wuxuu ogaysiinayaa in ardayga ka diiwaan gashan madasha Garaadkaabiot.com, in uu xaq uleeyahay in xogtiisa loo asturo hadii ow doonana inuu katidhikaro xogtiisa madasha Garaadkaabiot.com, Garaadkaab waxay balan qaadaysaa in aysan lawadaagayn xogta ardayga shakhsi ama shirkad kale, xogta ardayga waa amaano waana asturaynaa insha llah.

13-Xuquuqul Insaanka  Garaadkaab waa madal e-Waxbarasho oo la jaanqaadaysa sharciyada dunida udagsan ee ku aadan dhanka xuquuqul insaanka, Garaadkaab waxay utaagantahay hormarinta bulshada afsomaliga kuhadasha sida ay uga haqab tidhi lahayd baahidooda ku aadan barashada Cilmiga IT ga Iyo Guud ahaan Skills Casrigaan Loo Baahanyahay sidaas darteed waxaan Garaadkaab kusoo dhawaynaynaa dhamaan ardayda doonaysa ewaxbarasho ee kusalaysan sinaan, calaadad, afgarad, dulqaad, naxariis.

Faahfaahin! Hadii ay jiraan wax suaal ah oo Aad ka qabto qodobada kor kuxusan fadlan nagala soo xariir WhatsAPP +252615682490/+252625 68 24 90 ama Email noogu soo dir: Garaadkaab24@gmail.com.